Booliska Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay weerarkii Alshabaab xalay ku qaadeen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho oo kaabiga ku haya Madaxtooyada Villa Somaliya.
Afhayeenka ciidamada Booliska Qaasim Axmed Rooble oo shir jaraa’id qabtay ayaa shaaciyay in weerar dhuumaaleysi ah ay Alshabaab ku qaadeen Hotelka SYL, wuxuuna intaas ku daray in 5 Alshabaab ah ay gudaha u galeen Hotelka.
Afhayeenka Booliska ayaa qasaaraha weerarka Hotelka ku sheegay inay ku dhinteen 3 askari iyo maleeshiyadii weerarka soo qaaday, ayna ku dhaawacmeen 27 qof oo 9 ka mida ay askar yihiin iyo 18 qof oo shacab ah.
Wuxuu kaloo xaqiijiyay in saddex xildhibaan ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen weerarkii Hotelka SYL, isagoo intaas ku daray in xaaladda ay degan tahay hadda oo Hotelka ay dib ugu laabanayaan dadkii deganaa.
Mar afhayeenka Booliska la weydiiyay sida uu weerarkaasi uga dhacay goob u dhow Madaxtooyada oo aad loo ilaaliyo wuxuu ku gaabsaday inuu baaritaan socdo.
Ciidamada dowladda ayaa saxaafadd u diiday inay galaan Hotelka oo ay muuqaallo kasoo qaataan, balse muuqaallo la faafiyay ayaa muujinaya burbur xoog leh oo Hotelka gaaray.