Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey inay duqeyn ay ku qaaden kooxda Alshabaab gudaha Soomaaliya ay ku dileen saddex ka mida maleeshiyada kooxdaasi.
Weerarka duqeynta oo dhacay 27-ka Ogoto ayay fuliyeen ciidamada Mareykanka oo kaashanaya ciidamada dowladda Soomaaliya, waxayna ka dhacay Galbeedka Muqdisho, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay AFRICOM.
“Inagoo la kaashaneyna dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ciidamada Mareykanka weerar ka fuliyeen meeal qiyaastii 40 KM u jira K/Galbeed ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu dilay saddex xubnood oo argagixiso ah. Waxaan Xaqiijineynaa inaysan dhicin waxyeello ama dil loo geystay dad rayid ah inta ay socotay duqeyntaan Cirka ah” ayaa lagu yiri War-saxaafaeedka AFRICOM.
HOOS KA AKHRISO