Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo dhowaan soo bandhigay ogeysiis ku saabsan in ardayda ka baxday Dugsiyada Sare ee dalka loo qaadayo ciidamada milateriga ayaa u yeeray ardaydii dalbatay inay ka mid noqdaan ciidamada.
Qoraal kasoo baxay Talis ciidamada Xoogga Dalka ayaa loogu yeeray dhamaan Ardaydii codsatay ka mid noqoshada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo da’doodu u dhaxeysay 18- sano-21 Sano, iyadoo lagu wargeliyey inay tagaanXerada Ciidanka Cirka Aviasoine Maalinta Sabtida Taariikhduna ku beegantahay 19 /10/2019 saacaduna tahay 7:00 Aroornimo ama hal Saac Subaxnimo
Ardaydaasi ayaa la faray inay horay u qaataan Shahaadooyinkooda Waxbarashada iyo Dharka Sportiga, si ay imtixaan ugu galaan ciidamada.