Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika AFRICOM ayaa beeniyay in askar ka tirsan ciidamada Mareykanka lagu dilay ama lagu dhaawacay weerar xalay ka dhacay Gobolka Sh/hoose.
Qoraal ka soo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in ciidamada Mareykanka ay garab siiyeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo weerar uga yimid Alshabaab degaanka Daarusalaam ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo weerarkaasi lagu dilay 8 ka mida dagaalamayaasha Alshabaab.
AFRICOM ayaa shaacisay howlgalka lagu taageerayey ciidamada dowladda oo waday qorshe ay ku wiiqayaan awoodda ay Alshabaab ku qaadi karto weerarro, isla markaana dhammaan ciidamadii howlgalka ka qeyb qaatay oo kuwa dhulka ku jireen ay bedqab ku soo laabteen.
Alshabaab ayaa saaka shaaciyey inay howlgalkii Daarusalaam ku disahy askari ka tirsan Mareykanka, kuma dhaawacday laba kale, iyo weliba 6 ka mida ciidamada dowladda Somalia.
