Taliska Miltariga Maraykanka ee AFRICOM ayaa qirtay in sanad ka hor uu geystay duqeyn dad rayid ah lagu dilay gudaha Soomaaliya.
Warbixin saddex-biloodle ah oo AFRICOM soo saartay ayaa lagu seegay in dinb loo baaro duqeynta ciidmada Maraykanka ka fuliyaan Soomaalia ee lagula dagaalamayo argagixisada Alshaaab, ayna helaan warbixinno ku saabsan qasaare soo gaara dad rayid ah.
Warbixinta AFRICOM ayuu Mareykanku ku qiratay in weerar ka dhacay 23-kii February 2019, degaanka Kuny-barrow lagu dilay laba qof oo rayid ah, isla markaana lagu dhaawacay saddex kale, taasi oo ay sheegeen inay aad uga xun yihiin.
Waxaa kaloo warbixinta lagu sheegay in dhimashada iyo dhaawac ay ka dhasheen hub iyo waxyabaha qarxa oo ay Alshabaab ku keydiyeen goobta la weerarray. howlgalkaasina loogu talogaly in lagu wiiqo awoodda Alshabaab, isla weerarkana lagu dilay laba Alshabaab ah.
Africom ayaa meesha ka saartay 20 sheegasho oo ku saabsan weerarro dad rayid ah lagu dilay oo markii la baaray ay sheegtay inaysan xilliyadaasi wax howlgal ah ka fulin Soomaaliya.
Taliska Mareykanka ee Afrika ma sheegin wax magdhow ah oo la siinayo dadkii uu duqeynta ku dilay iyo tallaabo kale oo uu qaadayo midna.