Taliska ciidamda Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa shaaciyay in dad rayid ah oo Soomaali ah ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen howlgal ka dhacay degaanka Ceel-lahelay.
Taliska AFRICOM ayaa sheegay in Ciidamada Mareykanka ay daad gureeyeen dad shacab ah oo Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay howlgal ay sameeyeen ciidamada Soomaaliya oo 6-dii bishan Sebtember lagu dilay saddex sarkaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa ka dhacay degaanka Oodweyn oo ku dhow Tuulada Ceel-lahelay ee maamulka Galmudug, waxayna dowladda Soomaaliya hore u sheegtay in howlgalka lagu dilay 3 horjooge oo Alshabaab ah, balse ma sheegin wax qasaare ah oo kasoo gaaray dad shacab ah.
“Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa ah in saddex ka mid ah horjoogayaasha al-Shabaab lagu dilay hawlgalka. Waxaase nasiib daro ah in dad rayid ahna lagu dhaawacay laguna dilay agagaarka goobta hawlgalka.” ayaa layu yiri warka kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africom.
War saxaafadeedka Africom laguma sheegin tirada dadka rayidka ah ee ku waxyeeloobay howlgalka, sida tirada dhimashada ama dhaawaca.
Ciidamada Mareykanka ayaan ku sugneen goobta howlgalka ka dhacay, mana aysan sameynin duqeyno dhanka cirka ah intii uu socday howlgalka ay taageerayeen.
Daad-gureynta dadka wax ku nqoday howlgalka ayaa waxa ay jawaab u ahayd codsi uga yimid dowladda Soomaaliya oo ahaa in si xaalad caafimaad ah loo daad gureeyo dadka dhaawaca ah ee rayidka ah, sida ay sheegtay Africom.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa warar badan ka sheegtay howlgalkan, waxayna shaacisay in n lix qof oo rayid ah oo ay ku jiraan Ayeeyo shan caruur ah ay Mareykanku ku dileen howlgalkaasi, ayna qaateen meydadka si ay runta u qariyaan.
AFRICOM ayaa beenisay sheegashada al-Shabaab. “Sheekada ay al-Shabaab faafisay ee ah in ciidamada Mareykanka ay waxyeelo u geysteen dadka rayidka ah waa been” ayaa ka mid ahaa bayaanka AFRICOM soo saartay.