Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey in duqeyn cirka ah oo shalay 19-kii bishan ay ku qaadeen kooxda Alshabab lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab.
Qoraal ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta oo shalay laga fuliyey agagaarka degaanka Mubaarak ee Gobolka Sh/hoose in lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan Alshabaab, laguna dhaawacay saddex kale, iyadoo lagu burburiyey Gaarigii ay wateen.
Ciidamada Mareykanka ayaa sheega in weerarrada duqeynta ah ay ku taageeraan dowladda Soomaaliya, ayna sii wadi doonaan.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA