Taliska ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaciyey in howlgalka dagaal ee ka socda Gobolka Shabeellada Dhexe, ujeedkiisu yahay in Alshabaab laga saaro Gobolka oo dhan.
Afhayeenka Ciidanka xoogga G/S Cali Xaashi Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in taliyaha ciidamada xoogga dalka uu hoggaaminayo dagaalka, isla markaana ay ka go’an tahay inay ka xoreeyaan Gobolka Sh/Dhexe.
Dagaalladii ugu dabeeyay ayuu sheegay inay shalay iyo maanta ka dhaceen degaanada kala ah: Araxley, Cali fooldheere iyo Qurac-madoobe, iyadoo dhulkii la duqeeyay uu sheegay in lagu arkay meydadka Alshabaab oo gaaraya 17 iyo dhaawacyo ay jiiteen.
Weli waxaa Gobolka Sh/Dhexe ka socda howlgalka ciidamadda xoogga dalka oo ay garab siinayaan kuwa Booliska maamulka Hirshabeelle, iyadoo bishii labaad ay galeen howlgalladaasi.
