Taliyaha Ciidamada Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Gen. Jim Owoyesigire, ayaa soo saaray amar ku saabsan in ciidammada AMISOM ay si joogta ah howlgallo u qaadaankooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay la shaqeeyaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sheegay in labada ciidan ay si kala gedisan ay qolo waliba dhinaceeda ula dagaalamaan Alshabaab, taasina ay wiiqeyso awooda Ciidamada oo loo baahan yahay inay si wadajir ah u wadda howlgallaan. Taliyah AMISOM Gen. Jim Owoyesigire ayaa intaas ku daray inay waajib tahay in sare loo qaado tababaradda Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si loo dhaqangeliyo qorshaha kala guurka.
Owoyesigire, oo ah taliyihii hore ee ciidamada Cirka dalka Uganda ayaa Khudbad u jeedinaayay qaybta ciidamada AMISOM ee Jowhar. Madaxa Amisom waxa uu sidoo kale sheegay in ay bilaabeen qiimeynta amniga ee dhammaan xarumaha weyn ee Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Amisom ayaa ku baaqay hawlgallo deg deg ah oo laga bilaabo meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, kadib kulan uu magaalada Jowhar kula yeeshay madaxda maamuka Hirshabeelle.