Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyeyaasha Gobollada Banaadir iyo Sh/Hoose, iyagoo ka wadahadlay xaalada ka dhalatay xasuuqii ay ciidamada AMISOM ee ka howlgala Sh/hoose u geysteen 7 qof oo shacab ah.
Kulanka dhex maray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa la yeesheen Taliyaha Guud ee ciidamada AMISOM General Ndegeya Diomede ayaa looga hadlay sida lagu xali karo falka dilka iyo xasuuqa ah ee loo heysto Ciidamada AMISOM.
Labada dhinac ayaa isla gartay in si degdeg baaritaan loogu smeysan lahaa falkii ciidamada AMISOM ay ku dileen dadka shacab ah ee kunool deegaanka Goolweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Laba Guddoomiye Gobol ee Banaadir iyo Sh/Hoose ayaa u sheegay Madaxda AMISOM inay ahayd wax aan la aqbali karin falka lagu dilay 7-qof oo shacab ah oo uu ku jiran Nin Oday ah oo aad looga yiqiin degaankaasi.
