Taliyaha Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa saraakiisha Booliska u sheegay inaysan gelin siyaasadda oo ay ku ekaadaan shaqadooda Amniga.
Kulan uu isugu yeeray saraakiisha iyo saraakiil xigeenada Booliska oo ay ku jiraan taliyeyaasha hoggaannada, Qeybta Guud iyo qeybaha Muqdisho ayuu Taliyaha Booliska si cad ugu sheegay ujeedka uu ugu yeeray ay tahay inaysan faraha la gelin siyaasadda marxalada uu dalku marayo.
“Waxaan saaka isugu kiin yeeray waxaa weeye in ciidanka Booliska Soomaaliyeed dalka gudihiisa iyo dibaddiisa ee idinku aad hoggaamineysaan in marxaladda dalka la maraayo ay noqdaan dad nadiif ah, ay nadiif ka noqdaan siyaasadda, ay nadiif ka noqdaan shaqadooda wax aan ahayn..” ayuu yiri Taliyaha Booliska Soomaaliyeed.
Taliye Xijaar ayaa sheegay inaysan Boolisku wax shaqo ah ku lahayn Doorashada, balse ay qaabilsan yihiin ilaalinta amniga oo aysan ku milmin siyaasadda ee kaliya ay tahay inay ka shaqeeyaan Amniga, sidii lagu yiqiin Booliska.
Wuxuu faray saraakiisha Booliska inay ku ekaadaan shaqadooda, ayna fuliyaan amarrada iyo farriimaha ka yimaada taliska Booliska ilaa maamul Goboleedyada.
Arrintan ayaa ka danbeysay amar kan oo kale ah oo Taliyaha Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage uu siiyey Saraakiisha Milateriga oo ahaa inaysan ku milmin siyaasadda oo ay ku ekaadaan difaaca dalka.
