Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir inuu dhagax dhigay dhul ay leeyihiin ciidamada Asluubta, iyadoo ay dhisanayaan dad shacab ah oo boobaya.
Taliyaha oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in dhulkii ciidamada Asluubta ee Xabsigii Keydsaney oo hadda isbitaal ahaan ku shaqeeya loo sharciyeeyay dad shacab ah oo uu dhagax dhigay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir dhulkii ciidamada Asluubta oo la boobayo.
Wuxuu caddeeyay in dhulka Keydsaney oo Asluubta la siiyey sanadkii 1980-kii si sharci darro ah loo siiyey shirkad lagu magacaabo Dhul iyo Guri oo ay ku lu leeyihiin Mas’uuliyiin waaweyn oo dowladda ka mida sida xildhibaano, kuwo hore iyo mas’uuliyiiin kale ay ku lug leeyihiin.
Taliye Mahad C/raxmaan wuxuu Duqa Muqdisho ku eedeeyay inuu ku lug yeesho boobka lagu hayo dhulkii danta guud ee ciidamada asluubta; isagoo sidoo kale sheegay dhula kale oo ciidamada Asluubta laga boobayo, kuna yaalla Lafoole, Ex. Kontrol ,Jazeera, Balcad iyo meelo kale.
Wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda inay arrintan wax ka qabtaan isagoo sheegay inay ku dhiman doonaan haddii loo fasaxo, ayna gaarsiinayaan madaxda dalka dhammaan dhulalka laga boobayo ciidamada Asluubta.
HOOS KA DAAWO