Taliyaha Ciidamada Burubdi Gen. Prime Niyongo ayaa socdaal shaqo ku jooga magaalada Muqdisho, isagoo maanta tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Waxaa xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Somaliya Gen. Odawaa Yuusuf Raage oo ku qaabilay xafiiskiisa, iyagoo ka wadahadlay iskaashiga labada ciidan iyo labada dal.
Imaanshaha Taliyaha ciidamada dalka Burundi Gen. Prime Niyongo oo Booqasho ku jooga Dalka Soomaaliya. Taliyaha aya ugu mahadceliyay dhigiisa Shaqada ay Ciidanka Burundi ka haayaan Soomaaliya iyagoona ka wada hadlay xoojinta xirirka labada dal.


