Wararka laga helayo Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu Qarax Miino ka dhacay degaanka Hareeridheere ee dhowaan laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab.
Qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday taliyaha ciidamada Dhulka Gen. Maxamed Tahliil Biixi, waxaana taliyaha iyo gaadiidkiisu ay ku sii jeedeen deegaanka Qeycad ee gobolka Mudug.
Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda, halka ay ku dhawacmeen 5 kale, sida ay ku warrameen saraakiisha ciidamada ee ku sugan deagaanka Qeycad.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Dayib Ismaaciil Cali oo ka mid ah saraakiisha amaanka Galmudug, kana tirsanaa saraakiisha safka hore ee dagaalka ku jirtay.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Biixi ayaala sheegay inuuaka badbaaday qaraxa, isagoo maalmahan ku sugnaa aaggaga dagaalka ee Koonfurta Mudug.
Dhowaan ayey ahayd markii ay Alshabaab sheegeen inuu Taliye Biixi ka badbaaday madaafiic ay ku garaaceen saldhig uu ku sugnaa oo u dhow degaanka Qeycad intii aanay qabsan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.
