Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in duqeyta Mareykanka ku hayaan kooxda Alshabaab aan wax guul ah lagu gaari karin, balse loo baahan yahay ciidamo Soomaaliyeed.
Madaxda Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Thomas Waldhauser oo shalay la hadlayay guddiga aqalka Senat-ka Mareykanka ee arimaha gaashaandhigga ayaa ka digay inaan Alshabaab looga adkaan karin duqeyn cirka ah. balse loo baahan yahay in la heli ciidamo Soomaaliyeed oo shaqadaasi qabta.
“Duqeymahan ma aha kuwa marka ugu dambeysa ka adkaan kara al-Shabaab. Halka ugu dambeysa ee ay howsha u taalo waa ciidanka qaran ee Soomaaliya oo looga baahan yahay inuu xoogeysto uu kordhiyo dadaalladiisa oo uu qaato masuuliyadda ka saaran amaanka dalkooda.” ayuu yiri taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika Gen. Thomas Waldhauser.
Taliska Africom ayaa sheegay in 35 duqeyn ayey fuliyeen sanadkii 2017-da, iyadoo sanadkii xigay ee sanadkii 2018 ay fuflueen 47 duqeyn, halka sanadkan ilaa iminka la fuliyey 12 duqeyn.