Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odawaa Yusuf Raage oo maanta gaaray gaaray magaalada Doolow, ayaa caawa egay degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo.
Taliyaha oo ay wehliyeen saraakiisa ciidamada kala duwan iyo xooggaga Gorgor ayaa ku safray wadadda xariirisa Degmooyinkao Doolow iyo Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana dowladda Soomaaliya ay ciidamo fara badan geysay Gobolka Gedo xiligan.
Arrintan ayaa ka danbeysay digniin ka timid dowladda Kenya oo ku saabsan inaysan dulqaadan doonin rabshado ka dhacay xuduudka labada dal, jawaabna ka bixin doonto, waxaana hadda la dareemayaa in dowladda Soomaaliya ay qorshe ka damacsan tahay ciidamada lagu daadgureynayo degmooyinka xuduudka Gobolka Gedo.



