Taliyaha cusub ee Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howlgala ayaa xilka taliyaha kala wareegay taliyihii hore ee Ciidanka AMISOM Jen. Ismaan Nuur Subagle oo u dhashay dalka Jabuuti.
Taliyaha cusub ayaa u dhashay Dalka Uganda, waxaa lagu magacaabaa Jen. Jim Beesigye Owoyesigire, munaasibadda ay xilka kula kala wareegayeen oo ka dhacday Xarunta Xalane ee weyn ee taliska AMISOM ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilka Midowga Afrika EE Soomaaliya iyo taliyeyaasha qeybaha AMISOM.
Taliyaha cusub ee AMISOM Jen. Jim Beesigye Owoyesigire ayaa la sheegay inuu leeyahay 40 Sano oo xirfad Ciidan ah, isagoo taliye ka soo noqday Ciidanka Cirka iyo kuwa dhulka ee Dalka Uganda.