Taliye cusub ayaa la sheegay in loo magacaabay Ciidanka Nabadsugidda Maamulka Galmudug.
Wararka aya sheegaya in loo magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Galmudug, isagoo lagu bedelay Saadaq Cumar Xasan oo xilkan hore u hayay, kaasoo loo magacaabay Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir.
Taliyahan cusub ee NISA-Galmudug ayaa isna hore u ahaa Taliyaha Ciidamada Wadajirka ah ee Soomaaliya. Ciidamadaas oo ka kooban Booliska, Milateriga, Nabadsugidda iyo AMISOM e JOCC, kuwaas oo howlagallada gaarka ah fuliya.
Taliyaha cusub ee nabadsugidda Galmudug ayaa u dhoofay magaalada magaalada Cadaado, hakaasoo uu ka howlgeli doono.
Wadani.com