Wararka laga helayo taliska booliska magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la xiray taliyihii saldhigga Booliska degmada Xamarweyne G/Dhexe Siciid Cumar oo wax laga weydiinayo Qarixii shalay ka dhacay degmadaasi.
Taliyaha Saldhigga degmada Xamarweyne ayey wararku sheegayaan in looga yeeray taliska Booliska, kadibna xabsi loo diray iyadoo loo heysto dayacaad amni oo ku saabsan qaraxii ka dhacay degmada Xamarweyne oo ay ku dhinteen in kabadan 10 qof.
Gaariga ku qarxay Goobta ayaan la aqoonsan, waxaana soo baxay su’aallo ku saabsan sida ay ku suuragashay inuu Gaari qarax sida halkaasi tago, iyadoo goobtu ahayd meel la baaro gaadiidka gelaya.