Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa jawaabkulul ka bixiyey ka bixiyey hadal laga soo xigtay Korneelka ka tirsan AMISOM oo Ugandes ah, isagoo sheegay in wax laga xumaado ay tahay in sharafta ciidamada xoogga dalka meel looga dhaco.
Wargeyska Foreign Policy ayaa waxa uu soo xigtay Korneel Ka tirsan AMISOM gaar ahaan guutada Ciidamada Uganda ee ka howlgala Soomaaliya, wuxuuna korneelka la barbar dhigay Soomaaliya Doofaar mar waliboo la dhaqo Wasaqdiisu aan dhammaan iyo dalka Afghanistan oo haddii ay NATO ka baxdo ay Taalibaan la wareegayaan.
Taliyaha hoggaanka siyaasada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare C/Xamiid Sheekh Cali Xaydar oo la hadlay Idaacadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in ay khalad ay tahay in Sarkaalka ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Ciidamada Uganda uu sharaf ka dhac ku sameeyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Taliyaha ayaa sheegay in AMISOM ay Soomaaliya ku joogaan nidaam isla markaana uu iskaashi kala dhaxeeyo ciidamada xoogga dalka, wuxuuna tilmaamay in AMISOM ay Soomaaliya u joogaan in ay la dagalamaan Al Shabaab , balse aan looga baahneyn in ay xumaan ka sheegaan ciidamada xoogga dalka.
G/sare C/Xamiid sheikh Xeydar waxa uu sidoo kale sheegay in sarkaalka u dhashay Uganda inuu isagu yaqaan Doofaarka uu sheegay. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Korneel C/xamiid in Uganda markii ay burbursaneyd ay Soomaaliya ciidamo ka socda tageen dalka Uganda islamarkaana halkaasi ay ku caawin jireen shacabka reer Uganda.
Dhinaca kale AMISOM aya iska fogeysay hadalka Wargeyska Foreign Policy kasoo xigtay sarkaalka reer Uganda, waxayna sheegtay wax shaqo ahku lahayn hadallada lagu sheegay inuu yiri sarkaalka Uganda ee AMISOM ka tirsan, ayna wada-shaqeyn kala dhaxeyso ciidamada Soomaaliya.
DHAGEYSO