Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Wareegto xilalkii looga qaaday taliyihii ciidamda Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage iyo Taliyihii ciidamada Dhulka Jeneral Maxamed Biixi, isagoo soo magacaabay laba sarkaal oo cusub.
Xasan Sheekh ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka u magacaabay Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, halka uu Taliyaha Ciidanka Lugta umagacaabay Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyada oo tixraacaya qodobbada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr. 15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha Cusub Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo dib u dhiska CXD.
Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay Maanta oo Isniin ah, 19-ka Jannaayo 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.