Waxaa maanta magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isbitaalka Xooga Dalka lagu aasay Marxuum Gaashaanle Maxamed Suleymaan Abuukar (Maxaadey) oo 18-kii bishan Oktoobar lagu dilay magaalada magaalada Muqdisho.
Aaska oo dhacay 4 maalmood kadib markii uu ku dhintay rasaas ay fureen ilaalada Hoteel ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa ehelada sarkaalka ay diideen in la aaso markii khilaaf ka dhashay qaabka loo dilay iyo cidda dishay, waxaana markii danbe arrintaasi xaliyey odayaasha dhaqanka.
Aaska ,Marxuum Gaashaanle Maxaadey waxaa ka qeyb galay Wasiirka amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiir ku xigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Cusmaan Maxamed Abdi, guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish), Taliyaha ciidamada Milaetiga Odowaa Yuusuf Raage, Ra’iisal wasaarihii hore Cali Maxamed geedi, Xildhibaano katirsan labada gole, taliyaasha ciidamada qalabka sida, siyaasiin culimaa-udiin, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.


