Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Puntland ay xalay xilli danbe howlgal culusku qaadeen koox hubaysan oo la sheegay inay ka ganacsato Maandooriyaha sida Khamriga, kuna iibisa halkaasi.
Howlgalka ayaa lagu beegsaday kooxdan hubeysan ayaa ka dhacay xarunta warshadii hore ee Kabista magaalada Gaalkacyo, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad dhaliyey dhimasho iyo dhaawac, iyadoo lagu soo qabtay 8 dabley ah oo kooxdan ka tirsanaa.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay Taliyihii guud ee ciidanka Madaxtooyada Puntland G/Sare Cismaan Cumar Maxamed iyo qof kale, laguna dhaawacay 7 kale oo isugu jira askar, dableydii hubeysneyd iyo shacab.
Dagaal ayaa ka dhashay howlgalka ay qaadeen ciidamada Puntland, waxayna iska hor imaad la galeen maleeshiyada hubeysan ee Khamrada ku iibisa magaalada, taasoo dhalisay qasaaraha, inkastoo la qabtay, ciidamaduna la wareegeen xarunta warshadii Kabista.