Taliyihii Ciidanka Ilaalada Wadooyinka ee Taraafikada Cali Maxamuud Cali (Shariif) ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Taliyaha ayaa ayaa la sheegay inuu dhowaanahan xanuunsanaa, iyadoo caafimaad ahaan logu qaaday dalka Hindiya, halkaasoo lagu soo daweeyay, basle markii uu Muqdisho kusoo laabtay uu mar kale xanuuntii ku soo laabtay.
Allaha u naxariistee Cali Maxamuud Cali (Shariif) ayaa saaka u geeriyooday xanuun la sheegay inuu dhuunta ka yahay oo kansar ah, waxaana tacsi u diray eheladiisa madaxda qaranka.
Waxaa lagu wadaa in maanta in lagu Aaso magaalada Muqdisho, iyado aaskiisa ay ka qeyb geli doonaan saraakiisha ciidamada iyo madax ka tirsan dowladda.