Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Talo ku socota Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha (Qormo xaladda taagan)

    Talo ku socota Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha (Qormo xaladda taagan)

    May 3, 2021Updated:May 4, 20212 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Hadallada iyo dhaqanka Madaxda Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha JFS maalmahaan dambe waxay dhaawacayaan ama wiiqayaan mowqifka geesinnimada iyo waddannimada xambaarsan ee ciidammada dowladda federaalka ku diideen muddo kororsiga 2da sano ee sharcidarrada aheyd ee Xildhibannada Barlamaanka federaalka iyo Madaxweyne farmajo sheegteen kaddib markuu dhammaaday muddo xileedkooda, haseyeeshe lagu qasbay 18 maalmood kaddib inay ka noqdaan.

    Saraakiisha iyo Ciidammada mileteriga iyo Booliska ka tirsan waxay qaateen go’aan lagu badbaadinayo midnimada, sharciga, iyo qarannimada Soomaaliya, hadafkaasoo aan weli si buuxda loo xaqiijin ilaa maanta. Ka noqoshada muddo kororsiga xaaraanta aheyd waxay hordhac u tahay dib u soo celinta ku dhaqanka dastuurka kmg iyo ilaalinta xorriyada iyo xuquuqda muwaadiniinta soomaaliyeed. Madaxdii dhibaatada abuurtay ma aqoonsana ilaa maanta gefkooda.

    Farmajo iyo taagerayaashiisa marna ka tanaasuli maayaan inay awoodda dowladda u adeegsadaan si ka baxsan sharciga iyo inay fashiliyaan dadaalka loogu jiro qabashada doorasho xor iyo xalaal ah. Xilwareejinta qabanqaabada doorashada iyo amnigeeda ee Farmaajo ku wareejiyay RW Roble waxay markhaati u tahay in Farmaajo xaaran ku haystay xil uusan shaqo ku laheyn, waxaana cad inay tahay afka barkiisa waayo haddii ay daacad ka tahay wuxuu xilwareejinta raacin lahaa is casiladiisa si RW Roble u helo fursad uu ku qabanqaabiyo doorasho raalli laga wada yahay.

    Waxaa intaa ka daran in kooxda taagerta farmajo oo isugu jira RWKX, wasiirro, agaasimayaal, iyo CBB ay ku jiraan dagaal rasmi ah waayo waa koox laga dhaadhiicay inay ka mid yihiin koox xukunka Soomaaliya haysaneysa muddo dheer, soomaliyana laga dhisayo dowlad leh dhaqanka “maafiyada caalamiga” ama boqortooyo la mid ah kuwa carabta khaliijka, taaso khilaafsan himilada iyo heshiiska ummadda soomaaliyeed ee ku cad dastuurka kmg.

    Waxaa muhiim in Madaxda Midowga Musharrixiinta taageeraan, talada iyo go’aanka ku qaataan kacdoonka Ciidammada iyo Shacbiga, kana fogaadaan inay iska dhigaan dhexdeexaad iyo shaati cadayaal ku jira gorgortan darajo. Xaalka Soomaaliya wuxuu maraya in dastuurka kmg iyo Qarannimada Soomaaliya lagu difaacay xoog hubeysan.

    Sidaa darted, iska hor imaadka socda ma ahan mid qabiil ama dagaal sokeeye, waa difaaca dowladnimada Soomaaliya ee saldhiggeedu yahay ilaalinta xuquuqda iyo xorriyada muwaadiniinta iyo dhawrista heshiiska doorashada muddeysan 4 sano kasta dib u dhac la’aan.

    Nabadgelyada waxay ku xiran tahay diidmada iyo ishortaagga ku takrifalka awooddaha dowladda. Sidaa darted, Madaxda Midowga Musharrixiinta waa inaysan ku hadlin, kuna dhaqaaqin hadallo iyo tallaabooyin dhaawacaya, wiiqaya, niyad jebinaya midnimada mucaaradka ay ku mideysan yihiin dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Ciidammada difaaca dastuurka, iyo bulshada taagersan xaqa iyo dimoqradiyada.

    W/Q: Dr. Maxamud M. Culusow

    Maxamuud Culusow Midowga Musharixiinta Qormo
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleLafta-gareen oo Muqdisho u tegay la kulanka Ergeyga Dowladda Qatar (Puntland & Jubbaland oo diiday..)
    Next Article Amar kasoo baxay Taliyaha Ciidamada Booliska oo loogu sheegay Shaqooyinka ay qaban karaan

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo