Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Talojeedin ku socota Midowga Musharixiinta Madaxweynaha iyo Mucaaradka (Qormo sharciyeed)

    Talojeedin ku socota Midowga Musharixiinta Madaxweynaha iyo Mucaaradka (Qormo sharciyeed)

    December 9, 2020Updated:December 9, 20203 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaa caddaatay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo aqoonsaneyn dastuurka kmg, tusaale ahaan qodobbada 1, 3, 4, 10, 11, 12, 15, 16, 18, 19, 20, 21, 22, 49, 50, 51, 52, 53, 54, 55-86, 87, 90; Ayadoo Golaha Shacbiga kalsoonida kala noqday Xukuumadda RW Xassan Cali Kheyre, Madaxweyne Farmajo wuxuu ku dhaqaaqay arrimo badan oo sharcidarro ah sida magacaabidda Kusime RW ee xukuumadda Xil-Gaarsiinta, guddiga garsoorka, guddiga musuqmaasuqa, wakaaladda betroolka, magacaabidda guddiga wakaaladda Betroolka, bixinta qandaraaska ceelasha shidaalka.

    Madaxweyne Farmajo wuxuu iska dhegatiray wax ka wax qabashada dhalliilaha iyo dalabka Midowga Musharrixiinta XM iyo Madaxweynayaasha DG qaarkood iyo Bulshada Ra’yidka iyo soo jeedinta beesha caalamka ee aheyd in wada hadal lagu dhammeeyo qodobbada aan waafaqsaneyn sharciga iyo heshiiska siyaasadeed iyo habraaca hirgelinta doorashada 2020/2021.

    Waxaa caddaatay in Madaxweyne Farmajo ka go’aan tahay inuu rabo inuu hirgeliyo doorasho sharcidarro ah ee ka dhacda Galmudug, Koofur Galbed, Hirshabelle, iyo Muqdisho. DG Jubbaland iyo Puntland waxay geli doonan qas siyaasadeed xitaa haddii aysan doorasho ka dhicin. Doorashada gacan ku rimiska ee dowladda federaalka wadato waxay ka bilaabmi doonta Muqdisho, Jowhar, Beletweyne, Dhusamareb, Galkacyo, iyo Garbaharey. Madaxweyne Farmajo wuxuu kala irdheeyay dowladda federaalka iyo dowlad Goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed Waxaa burburay kalsoonida dib u heshiinta la waday 16 sano, waxaana la maraya marxalad kala cabsi iyo kala shaki iyo isnaceyb.

    Beesha Caalamka waxay u muuqata inaysan waxba qabin in Soomaaliya ka dhaco qas iyo qalalaase siyaasadeed kaddibna kaalmo bani’aadam u codsado adduunka. Sidaa awgeed, maxaa la gudboon Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha, Musharrixiinta rabta inay la tartamaan Madaxweynaha xilka haya, taagerayaashooda iyo inta isbeddel doonka ah?Ujeedada koowaad waxay tahay inaysan dhicin doorashada gacan ku rimiska iyo in dalka iyo dadka laga badbaadiyo qas iyo qalalaase ballaaran ee dalka oo dhan aafeeya. Tallaabooyinka mudan in la tixgeliyo si isbeddel degdeg ah u dhaco waxaa ka mid ah:

    1. In Midowga Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha aysan qaban ama qabanqaabin doorasho barbar socota doorashada sharcidarrada ah ee Madaxweyne Farmajo rabo inuu maalmaha soo socda bilaabo. Xilka Guddiga badbaada doorashada 2020/2021 waa inuu noqdaa ka hortaagga iyo diidmada doorashada fowdada ah ee DF qabanqaabineyso.

    Waa inaan la oggolaan in Madaxweyne Farmajo inuu cid kale ku qabsado madaxtinnimo, kaddibna la yiraahdo ha la dhexdhexaadiyo. Musharrixiinta xilka Madaxweyne ee malxiiska ah oo taagersan Madaxweyne Farmajo waa in la takooro.

    2. In la sugo difaaca iyo Ammaanka Musharrixiinta iyo muwaadiniinta kale ee ka soo horjeeda siyaasadda Madaxweyne farmajo.

    3. In la bilaabo ololaha baraarujinta dadweynaha xuquuqdooda iyo xorriyadooda dastuuriga ah lagu tumanayo, laguna dhiirrigeliyo in codkooda soo bandhigaan. Shirkii haweenka Muqdisho wuxuu ahaa tusaale fiican.

    4. In dhammaan magaalo madaxyada DG loo diro wufuud kala hadasha Madaxweynayaasha iyo Barlamaannada DG qabashada doorasho sharcidarro ah ee aan lagu heeshiin, mucaaradkana loo oggolaado bannaan baxyo;

    5. In warbaahinta lala wadaago xaaladda halista ah ee ka taagan Soomaaliya.

    6. In wufuud ama farrimo loo diro dalalka Mareykanka, Ethiopia, kenya, Uganda, turkiga, Jabuti, Midowga Afrika, Midowga Yurub, shiinaha, Rushka, Ingiriska, lala socodsiinayo dhibaatada taagan iyo khatarka dalku ku jiro.

    7. In Madaxweyne Farmajo la weydiisto inuu ka tanaasulo qabashada doorasho sharcidarro ah iyo ka qaybgalka tartanka xilka Madaxweynaha 2020/2021.8.

    In laga wada hadlo qabashada doorasho Soomaaliya ku rida dariiqa toosan oo waafaqsan dastuur dhammeystiran, heshiis lagu yahay, ku habboon masiirka Ummadda Soomaaliyeed.

    W/Qoray: Dr. Maxamud Maxamed Culusow

    Doorashada Maxamuud Culusow Musharixiinta madaxweynaha Talo ku socota
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleRa’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Kenya oo ku kulmay Mooyaale iyo mashruuc ay ka fureen
    Next Article Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo lagu laayey weerar ka dhacay duleedka Guriceel iyo faahfaahin…

    Related Posts

    Maxaa Addis Ababa ku qabsaday Xasan Sheekh? (3-da Aragti ee Mucaaradka Madaxweynaha)

    February 18, 2024

    Maxaa lagu diidan yahay Hab-raaca lagu muransan yahay ee Dastuurka..?

    January 24, 2024

    Hadal jeedinta Madaxweynaha iyo Waxyaabihii la tabey ee ka Maqnaaa (Qormo).

    January 3, 2024

    Yusuf Garaad oo ka hadlay Dhibaato culus oo ka jirta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    November 29, 2023

    5 Arrin oo lagu diidan yahay Qorshaha Dastuurka ee Xasan Sheekh iyo waxa ka dhalan kara

    November 27, 2023

    C/raxman C/shakuur oo Qoraal talo- culus xambaarsan u diray Siciid Deni

    November 7, 2023

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo