Dowladda Talyaaniga ayaa deeq milateri oo ka kooban 54 baabuur oo isugu jirta baabuurta ciidamada qaada iyo gawaarida gaashaaman ku wareejisay dowladda Soomaaliya. Xaflada oo ka dhacday dekadda Muqdisho ayaa saanadan ciidan ay kula wareegtay wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidamada milateriga.
Deeqda milateri ayaa la sheegay inay wada leeyihiin ciidamada Boolisk,a Mileteriga iyo Nabadsugida waxaana dowladda Talyaaniga xafladda uga hadaly Bernando Mencaraglia oo ka tirsan Wasaaaradda Gaashandhiga Talyaaniga, wuxuuna sheegay in deeqda milateri ay qeyb ka tahay fulinta ballanqaadyadii ay dowladda Talyaanigu ee taageerida ciidamada Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada Xooga dalka Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa isna hadallo mahadcelin ah u jeediyay dowladda Talyaaniga iyo taageerada loo baahnaa ee ay siisay ciidamada Xoogga dalka si dib u dhis loogu sameeyo ciidamada Soomaaliya.
[ad name=”HTML-5″]
[ad name=”HTML-4″]
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]