Musharaxa xilka madaxweynaha Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa jawaab la yaab leh ka bixiyay xil ka qaadista qaar ka mida xildhibaanada Galmudug ku sameeyeen madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Qoraal uu Tarsan soo dhigay bartiisa ayuu ku sheegay in arrintan ay bilow u tahay kacdoon looga horjeedo fashilka, kooxeysiga iyo kuwa dhacay hantida Qaran.
Magaalada Cadaado ayaa maanta waxaa ka dhacay codeyn loo qaaday mooshin kalsooni kala noqosho oo qaar ka mida xildhibaanada Galmudug ay u qaadeen madaxweynaha Galmudug, iyadoo sheegay inay xilkii ka qaadeen si KMG ahna u sii heyn doono madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
C/kariin Guuleed ayaa ku gacan seyray mooshinka kalsoonida loogala noqday wuxuuna sheegay inay tahay tallaabo sharci darro ah oo ay abaabuleen caddowga Galmudug.
GOOBJOOGE.COM