Duqii hore ee Muqdisho iyo Gudoomiyaha Xisbiga Cadaaladda Bulshada Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa baaq xasaasi ah u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya.
Mudane Tarsan oo ka mid ahaa musharixiintii xilka madaxweynaha ayaa talo soo jeedin u diray Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo dalbaday in la joojiyo falka dilka ah ee dowladu fuliso.
“Waxaan soo jeedinayaa in xilligaan la joojiyo dilka Toogashada, maadaaama Garsoorayaasha Dalka aysan Khibrad u lahayn habka qaadista Dacwooyinka ku saabsan Dambiyada Dilka ee dhaca..” ayuu yiri Mudane Tarsan oo ka hadlayay maanta xaflad lagu xusay sanadguurada saddexaad Xisbiga Midnmo Qaran.

Wuxuu baaq toos ah u diray Madaxweyne Farmaajo isagoo u sheegay inuu joojiyo saxiixa dilalka Toogashada ah, inta laga helayo Garsooryaal Khibrad leh oo qaadi kara Dacwooyinkaas Xasaasiga ah.
Wadani

![Tarsan oo Madaxweyne Farmaajo u diray Dalab Xasaasi ah: “Waa inaad joojisaa saxiixa…” [AKHRISO]](https://wadani.com/wp-content/uploads/2017/04/Toogasho-frmaajo.jpg)