Tartankii ciyaaraha maamul Goboleedyada oo lagu waday inuu ka dhaco magalaada Kismayo ayaa laga wareghay magaaladaasi arrimo farsamo dartood.
War ka soo baxay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Ciyaaraha Maamul Gobolleedyada ayaa lagu sheegay in Cayaarihii Gobollada ee horay loo qorsheeyay in ay ka dhacaan Magaalada Kismaayo laga wareejiyay, laguna qaban doono Magaalada Muqdisho ee caasimadda ah.
Arrinta keentay go’aankan ayaa lagu sheegay iyadoo Garoonka Kubadda Cagta Waamo ee Magaalada Kismaayo aanu sidii loogu talogalay aan loo diyaarin si uu ciyaarahaasi u marti geliyo.
Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukumadda Soomaaliya iyo kuwa Maamul Gobolleedyada ay isla qaatay in magaalada Muqdisho loo soo wareejiyo martigelinta ciyaaraha Maamul Gobolleedyada oo bilaaban doona 7-da Bisha December 2017.