Dawaadayaasha Telefishanka afka carabiga ee Aljazeera xaruntiisuna tahay magaalada Doxa ee dalka Qatar ayaa madaxweynaah cusub ee Soomaaliya u doortay shaqsiga ugu saameynta badnaa toddobaadkii la soo dhaafay.
Codeyn ay barta FB ee Telefishanka ku bixiyaan dadka ku xiran telefishankan caanka ah ayaa u doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo shaqsiga ugu saameynta badnaa toddobaadkii hore ee wararka dunida ku jiray.
Waxay Farmaajo isku cod noqdeen hogaamiyaha cusub ee kooxda Xamas Yaxya Sanwaar, waxayna kala heleen min 37%.
Madaxweyne Farmaajo ayaa dadka Soomaalida ay rajo weyn ka qabaan inuu wax ka qabto xaaladda adag ee dalkoodu marayo iyo dabaaldegyo waaweyn loo sameeyay markii xilka loo doortay.
Aljazeera