Waxaa saaka lagu dilay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho nin ganacsade ah oo ay weerar ku qaadeen ciidamo ku lebisan dareyska ciidamad dowladda.
Ninka ganacsadaha ah ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ganacsatada ka shaqeysata suuqa, isla markaana ay dhacday in loo dilo telefoon gacan-qaad ah (Mobile) uu watay.
Laba nin oo ku hubeysan qoryaha AK 47 oo xirnaa dareyska ciidamada dowladda ayaa rasaasku furay ganacasadaha, markii uu diiday inuu siiyo mobile-ka uu watay, taasoo keentay inuu goobtaasi ku geeriyoodo.
Dilka oo ka dhacay qeybta malabka ee Suuqa Bakaaraha, ayaa keenay kala carar iyo cabsi soo wajahday Ganacatada, waxaana goobta ka baxsaday raggii dilka geystay.
Wadani.com