Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Subscribe
    • Front
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Xog cusub»TIJAABADII UGU HOREYSAY EE ALSHABAAB OO GILGISHAY XUKUUMADDA CUMAR C/RASHIID
    Xog cusub

    TIJAABADII UGU HOREYSAY EE ALSHABAAB OO GILGISHAY XUKUUMADDA CUMAR C/RASHIID

    WebmasterBy WebmasterFebruary 21, 2015No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa si weyn loo gilgilay kadib markii weerarkii ugu horeeyay ee Alshabaab la beegsato uu keenay inay ku dhintaan xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda is markaana lagu dhaawaco ra’iisal wasaare ku xigeenka iyo saddex wasiir.

    Xaaladda xukuumadda cusub ayaa u muuqatay shirkii degdegga ahaa ee xalay mid kala daadsan oo talo faraheeda ka bixi rabto, kadib markii shirkaasi wasiir waliba waqti gaar ah yimid madasha qaarkoodna aysan kasoo xaadirin iyadoo Muqdisho ku sugan, qaar ka mid ahna ay shoog ka qaadeen wixii ka dhacay hotelka oo ay ku sugnaayeen.

    DHAARINTA GOLAHA WASIIRADA CUSUB

    [ad name=”HTML-2″]

    Shirkaasi oo madaxweynaha uu guddoomiyay waxaa ka muuqatay inaysan u diyaarsaneyn xukuumadda xaalad sidaas oo kale degdeg u ah, waxaana taas sii xoojiyay  maqnaanshaha dheeraday ee Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo tacsi u jooga dalka Kanada oo hooyadii ay ku geeriyootay dhowaan, inkastoo uu maanta dib ugu soo laabtay dalka.

    Dhaawaca Ra’iisal wasaare ku xigeenka oo isna saaka loo qaaday dalka Turkiga si ayaa keenay in xukuumadda tijaabadii ugu horeysayba ay awoodi weyso inay isla qabsato, inkastoo madaxweynaha kaalmo weyn iyo dhiirigelin u fidiyay haddana waxaa ka muuqata in degdeg loogu baahan yahay dardar gelinta shaqada xukuumadda cusub.

    Xukuumadda Cumar C/rashiid oo ka kooban 67 marka lagu daro ra’iisal wasaaraha ayaa ah tan ugu tiro badneyd xukuumadihii ugu danbeeyay, waxayna la kowsaneysaa xaalad cakiran oo dhinaca ammaanka oo ahayd tan ugu adag ee mar kasta hor taallay xukuumad kasta oo la dhiso iyo dowladda guud ahaanba.

    Falkii qaraxii Hotel Central wuxuu ahaa mid kale oo farriin cad u diray dowladda federaalka oo dhan, wuxuuna tilmaan cad siiyay siyaasiyiinta talada heysa oo arkaya meesha ay dowladnimadu u dhimaneyso haddii aan wax laga qaban ee AMNIGA; waxaana u taalla inay wax ka qabtaan oo dalka jidka dib u soo kabashada ku ridaan ama ay is jiidjiidkoodii macne la’aanta ahaa iyo dhaqaale kasbasho ku mashquulaan oo xaaladda uga sii daraan.

    Goobjooge.com

    Muqdisho

    [ad name=”HTML”]

    [ad name=”HTML-5″]

    xukuumadda CC
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Webmaster
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Goobjooge.com: An Online News portal, tracks all news round the clock which will cover Politics, entertainment, sports and world news.Waxaad nagala soo xiriir kartaa: info@goobjooge.com

    Related Posts

    Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

    March 9, 2025

    Qodobadda War-murtiyeedka Shirkii Madasha Qaran & Muddo Kordhinta Maamul Goboleedyada

    October 31, 2024

    Isbedel ku yimid Xukuumada Somaliya (Magacyada RW ku xigeenka cusub iyo Wasiirada la magacaabay)

    October 22, 2024

    Comments are closed.

    © 2025 Wadani.com .
    • Home-1
    • About Goobjooge
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo