Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa la shaaciyay inay tiradiisu noqon doonto in ka badan 100 xildhibaan isla markaana uu marayo heer gabagabo ah dhismihiisa oo muddooyinkii danbe ka socday degaanadaasi.
Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed C/qaadir Cashar Nadaara ayaa xaqiijiyay in dhismaha Baarlamaankaasi uu heer gabo gabo ah marayo ayna socoto xulitaankii ugu danbeeyay.
Xubno ka socda Urur Goboleedka IGAD oo uu hogaaminayo Gen. Gabre ayaa dhowaan booqday Baydhaba waxayna ku howlan sidii degdeg loogu soo xuli lahaa Baarlamaanka Maamulkaasi, iyadoo ay IGAD muddo 20 maalmood ah u qabatay Maamulka Koofur Galbeed inuu ku soo dhameystiro soo xulidda baarlamaanka.
Tirada rasmiga ah Golaha Wakiilada Maamulka Koofur Galbeed ayaa la sheegay inuu gaari doonaan 105 Xildhibaan. Wararka laga helayo Baydhaba ayaa sheegaya in dadaalkii ugu danbeeyay uu socdo oo lagu dhameystirayo Baarlamaanka, iyadoo degaanada qaarkood ay ka cabanayaan tirada la siiyay ee xildhibaanada.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]