Waxaa aad u sii kordhay Qasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqidsho ee lala beegsaday Hotelka Saxafi, iyadoo tirada dhimashada ay gaartay in ka badan 50 qof.
Isbitaalka Medina oo qura ayaa la sheegay meydad dhan 31 iyadoo 3 kale ay ku dhinteen isbitaalka, waxaana dhaawaca uu sare u dhaafay 106, tiradani ay tahay inta laga diiwaan geliyay afar isbitaal.
Qaraxi Jimcihii shalay ayaa noqday mid ka mida kuwii ugu qasaaraha badnaa ee soo mara magaalada Muqdisho, waxaana isbitaallada buux dhaafiyey isbitaallada Muqdisho
Tirada ayaa hadda gaartay in ka badan 50 qof oo dhimasha ah iyo 106 kale oo dhaawac ah, waxaana isbitalada ay ku mashquulsanyihiin daweynta dadkii ku dhaawacmay qaraxyada.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya, iyadoo qaraxyadii shalay oo saddex ahaa lagu fasiray kuwii ugu badnaa ee goob qura lagu weerarro.