Iyadoo u sii faafayo dunidoo dhan Cudurka Covid-19 ee uu sababo Coronavirusus ayaa Afrika oo ahayd qaarada ugu yar saameyntiisa, waxa sii kordhaya dadka qaadaya cudurka oo sare u dhaafay 7000 qof.
Hay’adda Caafimaadka adduunka ayaa shaacisay in tirada kiisaska Coronavirus ay gaartay 7246 maanta oo ah 4 April 2020, waxaana ugu horeeya dalalka South Afrika, Algeria, Masar iyo Maroco.
South Afrika waxa cudurka sida: 1505 (Waxaa dhintay 7)
Aljeeriya waxa cudurka Qaba: 986 (Waxaa dhintay 83)
Masar waxaa cudurka hayaa: 865 (Waxaa dhintay 58)
Halka Maroco ay shaacisay: 735 (Waxaa dhintay 47)