Kulankii maanta ee xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta u baaqday kooram la’aan, iyadoo ay kaliya xaadireen ilaa 70 xildhibaan.
Kooramka xildhibaanada ayaa maanta noqday tiradii ugu yareyd ee kulan xaadirta, waxaana guddoomiyaha Baarlamaanka uu sheegay in xildhibaanno badan ku maqan yihin safarro kala duwan, taasoo sababtay in kooramkii la waayo.
Xildhibaanno badan ayaa la socda Madaxweyne Xasan Sheekh oo socdaal ku jooga Baydhaba, qaar kale ayaa aaday Galmudug oo madaxweynaha ku wajahan yahay, waxaa kaloo jira xildhibaanno nasiino u aday dibadda, kadib doorashadii Madaxweynaha.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in 12-ka bishan kulanka kale la isugu imaanayo, kadib caleemo saarka madaxweynaha oo ku beegan 9-ka June 2022..
