Saaka hawlgal qorshaysan ka fuliyeen degaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Goballada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.
Hawlgalkan ayey Ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Khawaarijtu ayaa lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijtii halkaas joogtay waxaana Ciidamadu kala wareegeen Hub iyo agab kale oo Ciidan.
Ciidamada Xoogga oo isugu jira Gorgor iyo Danab ayaa la sheegay inay burburiyeen saldhiggii Khawaarijta waxayna wararku sheegayaan inay ilaa hadda socdaan hawlgallada ay degaankaasi ka wadaan ciidamada dowladda.
Taliyaha guutada 18aad ee kumaandooska Gorgor Bashiir Cabdullaahi ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Ceelqurac lagu dilay ilaa 30 Alshabaab ah oo halkaasi lagu beegsaday.
Dhinaca kale Afhayeenka wasaaradda Gaashaandhigga Jeneral Cabdullaahi Cali Caanood ayaa maanta sheegay dagaalka Ceel qurac lagu dilay 50 Alshabaab, isla markaana toddobaad gudihiis howlgalo gobolo kala duwan ka dhacay lagu dilay 200 oo Khawaarij ah.
Ma jirto cid madax bannaan oo warkan xaqiijisay, laakiin ciidamada dowladda ayaa dhowaanahan howlgallo ka wada gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud.