Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»Toddoba Waxyaabood oo laga bartay hadalkii Shiikh Xasan Daahir Aweys [Akhriso Faaqidaad]

    Toddoba Waxyaabood oo laga bartay hadalkii Shiikh Xasan Daahir Aweys [Akhriso Faaqidaad]

    November 11, 20174 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waxaan daawaday muuqaal uu soo duubay hogaamiye diimeedka dagaalama Shiikh Xasan Daahir Aweys kaas oo hadda xabsi guri ku ah Muqdisho, qodobadda muuqaalkiisa qofba si ayuu u fasiray laakiin anigu waxaan kusoo koobay 7-daan waxyaabood wixii laga baran karay hadalkii Ina Daahir Aweys.

    1-Baaq iyo digniin ka socday Farmaajo

    Xasan wuxuu ku cel celiyay inuu u duceynaayo Farmaajo iyo shacabka, wuxuu si aan gambasho laheyn u sheegay in loo baahan yahay inuu hogaankiisa ka dhigo mid Islaami ah, wuxuu qiray inuusan dagaalku dhamaan doonin ilaa laga helo Dowladd Islaami ah ayna dalka u dambeyn doonaan kuwa dagaalka wado ee raadinaaya Xukunka Islaamiga ah.

    Wuxuu ku yiri “labadda nin ee ka adkaatay bal dib u eeg waa ilmo Shiikh waa Xasan Shiikh Maxamuud iyo Shariif Shiikh Axmed, laakiin markii ay xukunka qabteen ayey diintii ka cabsadeen iney wax ku maamulaan kadibna Alle ayaa garabkooda ka baxay, adna is jir yuusan Alle ka garabkaaga ka bixin.

    Shiikh Xasan Daahir Aweys
    Shiikh Xasan Daahir Aweys

    2-Waqtiga uu hadlay Xasan Daahir

    Hadalka Xasan Daahir wuxuu soo baxay iyadoo beeshiisa lagu eedeynaayo iney isku hor goysay inuu shaqeeyo taliska madaxweyne Farmaajo, wuxuu duray dadka Farmaajo ku hareereysan oo laga yaabo inuu ula jeedo Ra”iisul wasaare Kheyre iyo xukuumadiisa, wuxuu yiri” dadkii wanaagsanaa ee wax kuu qaban karay banaanka ayey joogaan ee doono, kuwa hadda kula jooga adiga umbey wax ka rabaan ee waxba kuma tari karaan” qodobkaan wuxuu u muuqday inuu Xasan codkiisa ku biiranayo dadka qaba in isbadal lagu sameeyo xukuumada jirta.

    3-Inuu Somaliland sii fogeynaayo

    Xasan wuxuu amaanay qaabka uu Farmaajo uga hadlay arinta Somaliland ,laakiin wuxuu kaloo muujiyay in Somaliland aad loo dulmiyay, wuxuu hadalkiisu u muuqday mid dhahaya hala dhageysto Somaliland oo sidey rabto haloo sameeyo madaama qalad laga galay, hadii sidaas loo qaato waxa ay Somaliland rabto waxaa ugu weyn waa iney noqoto dal madaxbanaan.

    4-Mowqifkiisa oo aan is badalin

    Mr Aweys wuxuu sheegay inuusan u xirneen dambi gaar ah balse uu u xiran yahay qadiyadiisa ah in dalka lagu maamulo sharciga Islaamka, wuxuu sheegay inuu 1968dii bilaabay inuu raadiyo in dalka diinta Islaamka lagu xakumo wuxuuna yiri “Waxaan is bar bar dhigay inaan xor ahaado oo aan mowqifkeygii ka tanaasulo iyo inaan xirnaado oo go’aankeyga ku taagnaado, waxaan qaatay inaan mowqifkeyga ku taagnaado oo ah raadinta Dowlad Islaami ah.

    5-Dagaalka Al Shabaab oo uu xalaal ka dhigay

    Xasan Daahir wuxuu sheegay in isaga, Al Shabaab, Ahlu Sunnada goboladda dhexe iyo dhamaan culumadda Soomaaliyeed ay isku mowqif ka yihiin raadinta Dowladd Islaami ah oo ka dhalata Somalia, wuxuu madaxweyne Farmaajo ku qilaafay hadalkii ahaa “Al Shabaab Dowladd ma rabaan lamana yaqaano waxa ay u dagalamayaan” Ina Aweys wuxuu sheegay in Al Shabaab ay rabaan Dowladd laakiin ay rabaan Dowladd islaami ah, wuxuu fududeeyay dagaalkooda isagoo sheegay in hadii mar hub la qaato uu qalad dhici karo laakiin dagaalkoodu uu yahay iney xukunka la wareegaan, wuxuu ku baaqay in lala hadlo oo sida ay rabaan laga dhageysto madaama uu qabo inuu dagaalkoodu hadaf lee yahay.

    6-Ciidanka Dowladda oo uu maskaxda ka badalay

    Xasan wuxuu diray fariin toos ugu dhaceysa ciidanka Dowladda Somalia taas oo aheyd iney hubiyaan waxa ay u dagalamayaan, wuxuu sheegay inaan aaqiro waxba looga heli doonin dhul loo dagaalamo, wuxuu tusaale usoo qaatay hadal dhex maray 1977dii isaga iyo Jen.Maxamed Cali Samatar oo ahaa taliyihii xooga dalka, Xasan wuxuu yiri Cali Samatar waxaan ku iri “Ilaahey qoomiyadaha kalama jecla, ma jiro ilaahey xabashi neceb oo Soomaali jecel, qofka naftiisa iyo maalkiisa waxa uga muhiimsan maleh, maxaa abaal gud ah oo aaqiro u jira qofkii dhul u dhinta, Ilaahey wuxuu abaal marin u balan qaaday kuwa dhinta iyagoo ilaahey dartii u dagaalamaya” Hadalkaas wuxuu Xasan sheegay iney ciidankii ku raaceen lagana horyimid qorshihii uu watay Cali Samatar.

    Qodobkaan wuxuu kusoo aaday xili ciidamadda Dowladda Somalia loo diyaariyay iney dagaalo qaadaan balse tani waxey shaki galin kartaa mowduuca dagaalkooda, ma aqaano ujeedada uu Mr Aweys kala ahaa arintaan.

    7-Farmaajo iyo Xasan Dahir oo isku dhowaa 2011kii.

    Xasan wuxuu yiri wax badan kaama aqaano Farmaajoow laakiin mar ayaan teleefoonka ka wada hadalnay 2011kii markii aad xilka ka dagtay, xiligaas Xasan wuxuu ahaa wadaad dagaalama oo duurka ku jiro, tuhun ayaa meeshaas ka dhalan kara, waxaa u baahan in la ogaado waxa ay wadaagi kareen labadda nin madaama uu Farmaajo xilka ka tagay Xasana uu dagaal kula jiray Dowladdii xiligaas jirtay.

    Gunaanad

    Qudbadda Xasan Daahir oo 40 daqiiqo soconeysay ayaa soo baxday xili dalku uu ku jiro xaalad xasaasi ah waxaana laga yaabaa in laga mudnaa in hogaamiye nuucaan ah loo ogolaado inuu hadlo waqtigaan oo kale waxaa kaloo macquul noqon kartay in hadalkiisa tafaftir Dowladeed lasoo marsiiyo madaama uu Dowladda maxbuus u yahay.

    Waxaa Qoray : Cabdulaahi Cismaan Faarax

    Farmaajo Hadalkii Xasan Daahir Sheekh Xasan Daahir Xasan Daahir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Golaha Shacabka oo Goor dhoweyd Ansixiyay Sharci muhiim ah [Akhriso]
    Next Article Warbixinta Guddiga Baarlamaanka ee Arrintii Qalbi-dhagax oo waqti cusub loo qabtay [AKhriso]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo