Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Banaadir»Toddobaadka Dhaqanka oo u bilowday Dufcadii 21-aad ee Ardayda Jaamacadda Muqdisho [Sawirro]

    Toddobaadka Dhaqanka oo u bilowday Dufcadii 21-aad ee Ardayda Jaamacadda Muqdisho [Sawirro]

    September 12, 2017Updated:September 12, 20173 Mins Read Banaadir
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Munaasabad aad u balaaran si wayn loo soo agaasimay oo loo qabtay ardayda cusub ee dufcadii 21aad ee Jaamacadda Muqdisho ayaa lagu qabtay xarunta ugu wayn Jaamacadda Muqdisho.

    Munaasabadan oo ku saabsanayd todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda Muqdisho laguna baro ardayda nidaamka Jaamacadda u dagsan, lagana rabo ardayda inta uu ku guda jiro sahanka waxbarashada inuu ilaaliyo nidaamka u dagsan jaamcadda, waxaa kale ee ardayda kusoo bandhigaan todobaadka dhaqanka waxyaabaha ay halabuurka u leeyihiin ee ardayga ku duugan.

    Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay guddoomiye kuxigeenka arimaha akaadeemiyada ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cali Daahir Maxamed ayaa soo dhaweeyay ardada cusub, isagoo u sheegay inay nasiib u heleen toban sano kadib inay noqdaan ardaydii ugu horeeyay ee nasiibka u yeelatay inay waxbarashadooda Xarunta Jaamacadda, wuxuuna ardayda u sheegay in siyaasada ay qaadatay Jaamacadda Muqdisho ee ah in ardayda, maamulka jaamacadda iyo shaqaalaha oo dhan oo qof walba uu ku beero geed mirood si meeshan ay u noqoto meel dadka oo dhan ay ku soo hirtaan.

    Prof. Maxamed Xuseen Ciise Liibaan oo ah guddoomiye kuxigeenka arimaha xiriirka ee Jaamacadda Muqdisho ayaa ka sheekeeyay heerarkii kala duwanaa iyo horumarkii ay ku talaabsatay Jaamacadda Muqdisho, wuxuuna ardayda  kula dardaaramay inay waqtigooda ka faa’idaystaan, waqti badana ay geliyaan waxbarashada, wuxuuna u rajeeyay guul iyo horumar.

    Sidoo kale waxaa munaasabadan ka hadlay Ustaad Maxamed Xuseen Cumar oo ah mas’uulka ugu sareeya geeska Afrika ee hay’adda Qadar Charity iyo ganacsade Soomaaliyeed sheekh Daahir Sheekh Axmed oo iyagana u hambalyeeyeen ardada cusub ee ku soo biirtay Jaamacadda Muqdisho, kulana dardaaramay ardayda inay dadaal dheeri ah muujiyaan.

    Waxaa isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali oo u hambalyeeyay ardayda cusub iyo waalidiintooda doorashadii ay soo doorteen Jaamacadda Muqdisho.

    “Waxaan ku faraxsanahay 10 sano kadib in xaruntii ugu weynayd ee Jaamacadda Muqdisho aan maanta munaasabadaan todobaadka dhaqanka ee Jaamacadda Muqdisho ku qabanayno”ayuu yiri Guddoomiyaha Jaamacadda

    “Jaamacadda Muqdisho waa lagu soo kala horeeyay ee lama kala laha aqoonyahankii dhidibada utaagayna waxay isku dhaarsadeen in Jaamacadda Muqdisho loo sameeyay shacbiga Soomaaliyeed.”

    Mar uu ka hadlayay guddoomiyaha Jaamacadda Muqisho waxyaabaha ay gaarka utahay Jaamacadda Muqdisho inay ka mid yihin waxbarasho kusalaysan akhlaakh, karti iyo islaanimmo, imtixaankeeduna uu yahay mid hufan ardaygeedana uu yahay mid la ixtiraamo isna uu ixtiraamo macalimiintiisa iyo maamulkiisa horayna ay usoo saartay dad tayo leh oo bulshada soomaaliyeed wax baddan oo lataaban karo u qabtay.

    “Jaamacadda Muqdisho waa jaamacad u taagan inay soo saarto hogaamiye ummadiisa u horseeda wanaag sharaf iyo cisi kana ilaalisa ama ladagaalanta waxyaabaha xunxunka ah ee ay ka mid yihiin qabyaalada iyo miraheeda xun.” sidaasna waxa yiri guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal.

    Ugu dambeyn Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ibraahim Maxamed Mursal Cali ,ayaa sheegay in Ardayda ay u balan qaadayaan in Jaamacadda Muqdisho ay ugu imaan doonaan cadaalad, akhlaaq iyo waxbarasho tayeysan.

    SAWIRRO

    Ardayga Jaamacadda Muqdisho Jaamacadda Muqdisho Toddobaadka Dhaqanka
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleHooyo Soomaaliyeed & wiil ay dhashay oo nolol Derbi-jiifnimo ku nool Magaalada London [Sawirro]
    Next Article Weriye ku dhaawacmay Qarixii Magaalada Beledweyne oo Muqdisho ku geeriyooday

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo