Maxkamadda Ciudamada Qalabka sida ayaa maanta mar kale fagaaraha Dugsiga Booliska Magaalada Muqdisho ku fulisay Dilka toogasho ah oo lagu qaaday Saddex Dil-sugayaal oo ka tirsanaa Alshabaab, kuwaas oo lagu helay Qaraxyo lagu dliay Saraakiil iyo Dad shacab ah.
Ragga la toogtay ayaa kala ah: Xasan Macalin Cali Barre (Boy), Abtigiis Sayid Cali Aadan Nuur (Istiimoow) iyo Isaaq Keerow Aadan, kuwaas oo Maxkamadda Ciidamada ay xukunka dilka toogashada ah ku riday December ee sanadkii 2019-kii.
Xasan Macalin Cali Barre (Boy): waxaa lagu helay inuu Darawal ka ahaa Gaari qarax siday oo ku qarxay Suuqa Xaafada Kaawa Godeey ee degmada Wadajir, kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 12 Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen.
Isaaq Keerow Aadan: Waxaa lagu helay inuu qeyb ka qaatay Dilal qorsheysan & weeraro ka dhacay Gobolada, Shabeellaha Hoose, Banaadir iyo Hiiraan oo lagu dilay dad kala duwan.
Nuur Ibraahim Mahad-Alle: oo ka tirsanaa Ciidamada gaarka ah ee Booliska, balse sidà maxkamaddu sheegtay laga saaray kadib markii uu lunsaday Hub ay dowladdu laheyd, isla markaana uu intaasi kadib kubiiray Al-Shabaab, isaga oo ka dambeeyay qarixii lagu dilay guddoomiye kuxigeenkii Amniga degmada Maxaas, waxaana xukunka dilka toogashada ah lagu riday 30-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2019-kii.
Toogashada xubnahan ayaa la fliyey 3 sano kadib, markii xunkuka Dilka lagu riday, taasoo qeyb ka ah dilalka toogashad ah ee uu saxiixday Madaxweyne Xasan Sheekh.
