Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada dowladda goor dhoweyd lagu dilay duleedka magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa ka dhacay degaanka Ceelasha, waxaana wararku sheegayaan in ciidamada ay goobtaasi iyadoo la xiray isu socodkii magaalada Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamada ayaa baaritaan ka wada degaanka Ceelasha, waxaana la sheegay inay baadi goobayaan dadkii ka danbeeyay dilka askariga.
Bisha Ramadaan ayaa laga cabsi qabaa in ay kooxda Alshabaab sii kordhiyaan weerarrada iyo qaraxyada ay la beegsanayaan cidiamada dowladda.
Wadani