Koox hubeysan ayaa goor dhoweyd fal toogasho ah ka geysatay magaalada Muqdisho.
Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox ku hubeysan Bistoolado ay rasaas ku fureen qof rayid ah meel u dhowMasjidka Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodon.
Qofkan oo dhaawac culus soo gaaray ayaa geeriyooday intii loo waday isbitaalka lagu daweeyo, waxaana magaciisa lagu sheegay Cali Ciid.
Dableyda dilka geysatay ayaa ka baxsatay goobta, waxaana mar danbe tegay ciidamada ammaanka. Weerarrada Alshabaab ee khaarijinta ah ayaa sii xoogeysanaya Muqdisho.