Maxakamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa saakay xukun dil ah ku fulisay 3 dhalinyarro oo loo dil horel oogu xukumay weerarkii ka dhacay Naasa-Hablood 2 ee magaalada Muqdisho 28,Oct sanadkii 2017 oo ay qeyb ka ahaayeen.
Dembiilayaasha maanta la toogtay ayaa kala ah: Farxaan Maxamed Samatar ina Safiyo Max’ed ku dhashay Galgaduud, C/naasir Dhaqane Xasan ina Xabiibo Max’ud ku dhashay Gedo, iyo 3- Abshir Max’ed Xaaji Buule ina Xabiibo Max’ed ku dhashay Saakow.
Hore ayaa raggan loogu helay inay ka mid ahaayeen urur hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis) iyo in ay ka mid ahaayeen koox weerar ku qaaday hotelka Naasa-hablood oo sababay khasaaro naf iyo maal leh waxaa ku geeriyooday weerarka inta la hubiyay 18 ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen 47 ruux oo kale.
30/05/2018 ayaa waxay maxkamada ciidamada qalabka sida ku xukuntay Dil toogasho oo ah qisaasta Dadkii ku geeriyooday Weerarkii Naasa-hablood, iyadoo maanta oo ay Taariikhdu tahay 10/07/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa markii labaad saxiixay fulinta dil toogasho ah oo la fuliyo inta uu xilka hayo.