Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun dil toogasho ah ku riday askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo horay u dilay qof Shacab ah.
Saddex xarigle Cabdi Faarax ayaa toogasho ku dilay marxuum Maxamed Daahir Siyaad, dilkaasi oo ka dhacay degmada Hodan 10-kii December 2019. Eedeysanaha falkaasi kadib u baxsaday gobalka Galgaduud, waxaana 5-tii April 2020 ciidamada NISA soo qabteen, ku wareejiyeen Saldhiga Boliiska Garoonka Aadan Cadde, loona gudbiyey Laanta Dambi Baarista Boliiska CID.
Marxuumka la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyarro ah oo heer gabagabo ah ay u mareysay waxbarashada dugsiga sare, wuxuuna dilka ka dhashay markii uu mura dhex maray xaaska Askariga goob ganacsi ku lahayd Wadadda dhinaceeda, iyadoo markii dood dhex maray askriga iyo marxuumka uu toogtay.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay Liibaan Cabdi Faarax dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Daahir Siyaad wuxuuna Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ku dhawaaqay in xukunka dilka ah uu rafcaan ka qaadan karo eedeysanaha.