Waxaa goor dhow ka furmay Hoolka Kafaalo ee Magaalada Cadaado doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug iyadoo ay goobjoog yihiin marti sharaf iyo dadkii ugu faro badanaa abid halkaasi isugu yimaada.
Shirka oo uu hogaaminayo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug  Cali Gacal Casir waxaa ugu horeyn hadalka qaatay wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaaan Odowaa oo u mahad celiyay intii ka soo qeyb qaadatay inuu shirka najaxo soona gaarsiisay heerka uu marayo.
Waxaa dhowaan bilaaban doonta doorashada oo si weyn ay ugu loolamayaan 6 musharax oo u taagan jagada madaxweynaha iyo 6 kale oo u ordeysa madaxweyne ku xigeen, halkan ayaad kala socon doontaan natiijada. Insha Allaah
LIISKA MUSHARAXIINTA U TAAGAN JAGADA MADAXWEYNAHA
Axmed C/salaan Xaaji Aadan
Axmed Macalin Fiqi
C/kariin Xuseen Guuleed
Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)
Maxamed Cilmi Afrax
Xasan Maxamed Nuur Qalaad
10:35 … Waxaa bilaabatay codeyntii jagada madaxweynaha iyadoo xildhibaan kasta magaciisa loogu yeerayo, kadibna inuu codeeyay la baahinayo. waa qaab laga dhaxlay shirkii Carte oo weli si weyn looga isticmaalo Soomaaliya.
11:54: Xildhibaankii ugu danbeeyay ayaa hadda codkiisa dhiibtay, waxaa hadda la galaya tirintii codadka la dhiibtay iyadoo musharax kasta oo wakiil u dirsanayo goobta codka lagu tirinayo….
11:30….. Waxaa dhamaaday tirintii codadka, waxaana hadda socota in musharax waliba codadkiisa la tiriyo si loo ogaado:
Axmed C/salaan Xaaji Aadan
Axmed Macalin Fiqi
C/kariin Xuseen Guuleed
Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid)
Maxamed Cilmi Afrax
Xasan Maxamed Nuur Qalaad
Natiijadii Wareega koowaad
1-Musharax Axmed Macalin Fiqi 29 Cod.
2- Musharax Cabdikariim Xuseen  29 Cod
3-Musharax Axmed CabdiSalan 12 Cod
4-Musharax Maxamed Afrax 10 Cod.
5-Musharax Qeybdiid 6 Cod
6- Musharax Qalaad 3 Cod .
Wareega saddexaad waaa isugu soo haray
1- Musharax Axmed Macalin Fiqi.
2- Musharax Cabdikariim Xuseen
3-Musharax Axmed CabdiSalan
Waxayna ku tartami doonaan codeyn kale, oo hadda bilaabatay
Natiijadii Wareega labaad
Natiijada wareegii labaad ayaa noqotay sida soo socota:
1- Musharax Axmed Macalin Fiqi 32 Cod.
2- Musharax Cabdikariim Xuseen  43 Cod
3-Musharax Axmed CabdiSalan 15 Cod
Waxaa loo gudbay wareegii saddexaa oo ay isugu soo hareen labada musharax ee ugu horeeya, mar haddii la waayay musharax hela 45 cod.
Natiijadii Wareega sadexaad
Natiijada wareegii saddexaad ayaa noqotay sida soo socota:
1- Musharax Axmed Macalin Fiqi 40Â Cod.
2- Musharax Cabdikariim Xuseen  49 Cod
Sidaasina waxaa xilkii madaxweynaha GALMUDUG ku guuleystay C/KARIIN XUSEEN GUULEED. waxaa si rasmi ah hadda loogu dhawaaqay guusha C/kariin iyadoo sawaxan iyo dabaaldeg ay bilowdeen
Dhammaad
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]