Wareegii koowaad ee tartanka doorashada madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Galmudug ayaa soo idlaaday iyadoo ay ku loolameen lix musharax oo oo jagadaasi isu taagay.
Wareegii koowaad natiijadiisii waxay noqotay:
Maxamed Xaashi Carabeey  23 cod,
Bashiir Diiriye Shariif 20 cod
Xasan Maxamed Warsame  12 cod
waxaana haray saddex musharax oo tirooyin yar ka helay codadka
Wareega labaad waxaa isugu soo haray:
Maxamed Xaashi Carabeey
Bashiir Diiriye Shariif
iyo Xasan Maxamed Warsame
Waxaa hadda socota  codeynta wareega labaad ee doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug.
Natiijada Wareega labaad:
Maxamed Xaashi Carabeey  41
Bashiir Diiriye Shariif  37
iyo Xasan Maxamed Warsame  7
Waxaa loo  gudbay wareega saddexaad
Waxaana isugu soo haray wareega saddexaad
Maxamed Xaashi Carabeey
Bashiir Diiriye Shariif
Codeynta wareega saddexaad ayaa bilaabatay waxaana muuqata in tartanku ku socdo sida kii madaxweynaha
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]