Waxaa lasoo gabagabeeyay tirinta codadka wareegii koowaad, waxaana ku guuleystay Dr. Maxamed Nuur Gacal oo helay 54 Cod. Guddiga Doorashada ayaa ku dhawaaqay inuu xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ku guuleystay Dr. Gacal.
Waxaa gabagaboobay wareeggii koowaad ee doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waxaana socota tirinta codadka.
Waxaa bilaabatay wareegga koowaad ee doorahada guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waxaana ku tartamaya: Maxamed Nuur Gacal iyo C/naasir Aadan Cusmaan.
Musharax Cabdullaahi Axmed Calasow (Shiino) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu ka haray tartanka xilka guddoomiyaha Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu tartanka uga baxay sababo jira, waxaana hadda isugu soo haray labada musharax ee Dr. Maxamed Nuur Gacal oo taageero xukuumadda Soomaaliya iyo C/naasir Aadan Cusmaan oo ay taageerayaan Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo Ahlu suna.
Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ka bilaabatay magaalada Dhuusamareeb, iyadoo ay ku loolamayaan saddex musharax oo kala ah:
1- Dr. Maxamed Nuur Gacal
2- Cabdinasir Aaden Cismaan
3- Cabdullaahi Axmed Calasow