Wxaaa goor dhow lagu dhawaaqayaa natiiajda Doorashadii guud ee dalka Kenya iyo qofka nooqnaya Madaxweynaha cusub ee dalkaasi.
Waxaa si adag xilkan ugu tartamaya madaxweyne ku xigeenka dalkaasi Wiliam Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, iyadoo natiijadu ahayd mnid isku dhow oo adag.
Xarunta BOMAS ee Guddiga Doorashada waxaa gaaray musharaxa Wiliam Ruto ee xilka Madaxweynaha u tartamaya iyo madax badan, iyadoo la sugayo Musharax kale ee Raila Odinga waxaana la filayaa in lagu dhawaaqo natiijada.
Magaalada Nairobi ayaa la xiray ganacsiyada iyo xarumaha dowladda iyadoo dadka ay xilli hore guryahooda aadeen si ay ula socdaan natiijada Doorashada, waxaana lasoo weriyey jaam xoog leh oo ka jira wadooyinka qaarkood.
Dib u dhac ka badan Hal saac ayaa ku yimid shaacinta natiijada, lamana oga xilliga ay dhici doonto, waxaana la wada sugayaa Guddiga Doorashada Kenya.
HOOS KA DAAWO