Waxaa soo baxaya natiijooyinka Doorashada Madaxweynaha Mareykanka oo ay ku loolamayaan Madaxweynaha xilka haya Donad J. Trump iyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden.
Doorashada ayaa u muuqata mid aad la isugu dhow yahay oo si adag loogu loolamayo Gobollada ugu muhiimsan ee lagu tartamo, kuwaasoo go’aamiya guusha musharaxa noqonaya Madaxweynaha oo u baahan 270 codadka loo yaqaan ‘Electrol College’ oo Gobollada dalka Mareykanka oo gaaraya 538 Ergo Cod.
Maalintii saddexaad ayaa dadweynaha Mareykanka sugayaan natiijada oo laga cabsi qabo inay dib u dhacdo, taasoo qaadan karta maalmo ayna ugu wacan tahay taranka oo aad isugu dhow Gobollada muhiimka ah ee la isku hayo iyo dad ka badan kuwii hore oo codeeyay.
WARARKII UU DANBEEYAY
Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ee u tartamaya Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa qarka u saaran inuu ku guuleysto xilka madaxweynaha kadib markii uu hoggaanka u qabtay Gobolka muhiimka ah ee Pennyselvenia.
Tirintii codadkii ugu danbeeyay ayaa maraya in Biden uu ku horeeyo cadad dhan 8,867 Gobolka Pennsylvania. Biden wuxuu hore ula waregay hogaaminta codadka Gobolka Georgia oo uu hadda ku hoggaamiayo codad ka badan 1580, taasoo lama filaan noqotay, waxaan socda tirinta codadka Gobolka la isku heysto ee Pennsylvania.

Waxaa gebi ahaanba burburtay rajadii Trump ka qabay in dib loo doorto, waxaana hadda u harsan inuu guuldaradda qirto iyo inuu dacwad galo.
Madaxweyne Trump oo markii ugu horeysay saxaafadda si toos ah ula hadlay goor dhoweyd ayaa sheegtay in Doorashadii laga xaday, balse uu guuleysanayo haddii codadka sharciga ah la tiriyo, sida uu yiri.
Trump wuxuu ku dooday inuu socdo isku day lagu doonayo in Doorashada looga xado, laakiin uu si weyn ugu guuleystay gobollo muhiim ah. Hadallada Trump ayaa intooda badan ahaa kuwo uu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka oo bartaasi ay ka dhigtay marin habaabin, kana qarisay dadka.
Madaxweyne Trump iyo kooxda ololihiisa Doorashada aya dacwad ku soo oogay gobollada ay ka socoto tirinta codadka ee Pennsylvania, Georgia iyo Arizona. wuxuuna Trump soo diray farriin uu ku dalbanayo in la jooojiyo dhammaan tirinta codadka ee socota, isagoo ku doodaya in aan la xisaabi karin codadka ee la furay kadib maalinta Doorashada oo uu ka cabsi qabo inuu guuleysto Jeo Biden
Waxaan weli lagu kala bixin oo codad isu dhow gobollada kala ah:
Arizona: Waxay leeday 11 ergo cod, waxaana ku horeeya Joe Biden oo warbaahinta qaarkeed sida AP, Fox News, Aljazeera iyo kuwa kale ay xisaabta ugu dareen Musharaxa Joe Biden, laakiin waqti ayey qaadan doontaa waqti si loo ogaado natiijada ugu danbeysa, iyadoo taageerayaasha Trump ay xalay isku dayeen inay galaan goob cod bixinta lagu tirinayey.
Georgia: Waxay leedahay 16 ergo cod, waxanaa horeeya Trump, laakiin waxaa soo yaraanaya codadka uu ku horeeyo oo hadda si weyn hoos ugu dhacay.
Pennsylvania: Waa Gobolka uu tartanka ugu adag ka socdo, Madaxweyne Trump oo hore si weyn ugu horeeyay Gobolkan ayaa si weyn looga daba yimid waxaana sii yaraanaya hoggaamintiisii markii la tiriyey codadka lagu dhiibtay. Hoggaaminta Trump ayaa hoos ugu dhacday in ka yar 60,000 cod. Gobolkan waxay tirintu soconeysaa ilaa Jimcaha. Guddiga ololaha Trump ayaa dacwad ka furay Gobolkan.
Nevada: Waxay leedahay 6 ergo oo cod, waxaana ku horeeya Joe Biden, laakiin waxaa isu dhow codadka iyadoo la sugayo codadka harsan.
North Carolina: waxay leedahay 15 ergo cod, iyadoo uu horeeyo Donald Trump.
Alaska: Waa Gobol yar oo ugu shisheeya Mareykanka, wuxuuna heystaa 4 ergo Cod, iyadoo la ogyahay inuu caadiyan yahay gobol Jamhuuri ah oo Trump u codeynaya, laakiin aan natiijo rasmi ah laga heyn, codkana la tirinayo.
Gobollada Wisconsin iyo Michigan ayuu ku guuleystay xalay xilli danbe musharaxa Dimoqraadiga Jeo Biden, taasoo si weyn ugu dhoweysay guusha, laakiin waxaa weli u harsan inuu helo codadka Gobollada uu ku horeeyo ee Arizona, Nevada si uu guusha u gaaro inta aan la isla gaarin Gobolka la isku dhegan yahay ee Pennsylvania.
Lixda Gobol ee soo socda ayaan weli lagu kala guuleysan, inkastoo Gobolka Arizona warbaahinta qaarkeed ay siyeen Jeo Biden, taasoo codadka uu heysto ka dhigeysa 264, halka warbaahinta ka reebtay sida CNN, ABC iyo kuwa kale ay codadka Biden ka dhigeen 253.
Alaska
Arizona
Georgia
Nevada
North Carolina
Pennsylvania
Gobollada adag | PA | NV | GA | NC | WI | MI |
---|---|---|---|---|---|---|
Electoral Votes | 20 | 6 | 16 | 15 | 10 | 16 |
TRUMP | 51% | 49% | 50% | 50% | 49% | 48% |
BIDEN | 48% | 49% | 49% | 49% | 50% | 51% |
Est. Vote % | ≈89% | ≈75% | ≈98% | ≈94% | ≈99% | ≈9 |
HALKAN KALA SOCO NATIIJADA DOORASHADA
BIDEN: 264 | TRUMP: 213
DONALD TRUMP | JOE BIDEN |
213 | 264 |
Madaxa ololaha Doorashada Musharaxa Joe Biden ayaa goor dhoweyd shaaciyey inay guul weyn filayaan, iyadoo ku guuleysan doona dhammaan gobollada Pennsylvania, Michigan iyo Wisconsin.
Madaxweyne Trump ayaa farriin uu soo diray ku sheegay in Gobollo uu mrakii hore ku horeeyay inay hadda si aan la fahmi karin looga sare marayo, taasina ay tahay mid aan la aqbali karin.
Sida uu saadaaliyey Telefichanka CNN Musharaxa Joe Biden ayaa ku guuleystay codadka Gobolka Wisconsin o leh codad gaaraya 10.
Dhinaca Madaxweyne Trump ayaa sheegay inuu dalbanayo dib u tirinta codadka Gobolka Wisconsin iyo in la joojiyo tirinta ka socota Gobolka Pennsylvania.
Jeo Biden ayaa la filayaa inuu xilka Madaxweynaha ku guuleysto isagoo aan u baahan Gobolka Pennyselvenia oo ay haran yihiin tirinta codad ka badan Hal milyan oo lagu dhiibtay Boostada, taasoo ay dacwad ka fureen madaxweyne Trump iyo xisbigiisa, ayna doonayaan in la joojiyo tirinta codadkaasi oo u badan kuwa taageersan Jeo Biden.
Shir jaraa’id oo uu goor dhow qabtay Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga ayuu ku sheegay inay caddahay guusha uu ka gaaray doorashada, laakiin uu sugayo inta laga dhammeynayo tirinta codadka doorashada ee la dhiibtay.
Jeo Biden ayaa marka loogu daro codadka Gobolkii ugu danbeeyay ee loo saadaaliyey oo ah Michigan wuxuu heystaa 253 wakiil codeed, isagoo kaliya u baahan 17 cod si uu u gaaro 270 cod, wuxuuna ka heli karaa Nevada (6) oo ah Gobol Dimoqraadiga u codeeya caadiyan iyo Gobolka Arizona (11) oo uu loo saadaaliyey inuu ku guuleysan doono Jeo Biden.